18/02/2018, waxaa Magaalada Baydhabo tababar ay uga qabtay Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA Hay’adda IIDA kasoo ku saabsanaa fahanka Ururada Bulshada KGS gaar ahaan Haweenka KGS ay ka qabaan Dastuurka Qabyada ah ee la rabo in dhowaan la rabo in dib-u-eegis lagu sameeyo.
Tababarkaa ayaa waxaa ugu horayntii hadalo dhinacyo badan taabanaya oo ku aadan fahanka Dastuurka ee Bulashada KGS, doorka Wasaaradda Dastuurka, sida ay waajib u tahay in Muwaadin walba uu u haysto nuqul ka mid ah Booga Dastuurka iyo in la siiyo fursad badan Haweenka KGS halkaa ka soo jeediyay Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada ee SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka.
Waxaa kaloo Gudoomiyaha Dalladda Dr. Baraka uu cod dheer ku sheegay sida ay waajibka u tahay ka qayb-qaadashada Ururada Bulshada Rayidka dib-u-eegista la rabo in lagu sameeyo Dastuurka Dalka, isagoo intaa raaciyay inay yar tahay fahanka ay Bulshada ka qabto Dastuurka qabyada ah kaliya laga maqlo idaacada loona baahan yahay sidaa in wax laga bedelo.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa tababarkaa furay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul-insaanka Marwo Nadiifo Xaaji Cabdulaahi CARMIYE ee KGS oo halkaa kaga codsatay Wasaaradda Dastuurka in ay Dastuurka gaarsiiso Bulshada oo dhan gaar ahaan Dumarka Soomaaliyaeed oo sida la og-yahay bay tiri ah laf-dhabarta Bulshada, waxaa kaloo ay halkaa ka cadaysay in laga qayb geliyo Bulshada Raryidka dib-u-eegista la rabo in Dastuurka lagu sameeyo dhowaan.
Leave A Comment