Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka KGS ayaa Magaalada Baydhabo loogu furay tababarka tababarayaasha ( ToT ) oo ay ku baranayeen sidii Dastuurka qabyada ah looga dhaadhicin lahaa Bulshada si ay uga qab-qaataan barashadiisa si Afti Qaran loogu qaado sanada 2020-ka.
Waxaana ka soo qayb-galay 50 Xubnood oo isugu jiray rag iyo Dumar oo la-rabo inay Bulshada meel walba oo ay joogaan ku gaarsiiyaan Dastuurka ugana dhaadhiciyaan.
Waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradaha Dastuurada ee Federalka iyo tan KGS.
Leave A Comment