Project Description
Daladda SOWENSA ayaa shir muhiin ah la qaadatay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Inshaanka Mud. Nadiifa Xaaji Carmiye kasoo loo hadlaayey arimo badan;
a. sidii loo horumarin lahaa aqoonta gabdhaha looguna dadaali lahaa sidii ay iskuulada ay u aadi lahaayeen tasoo loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelin badan, gaar ahaan gabdhaha ku jira Xeryaha Barakacayaasha oo ah halka ay waxbarashadu ka liidato iyadoo lala kaashan doono Wasaaradda Waxbarashada.
b. sidii looga hortagi lahaa Gudbniinka fircooniga oo sida laga dhawaajiyey beryaha hoos u dhacay markii la sameeyey wacyi-gelino fara-badan sidaasna looga harini la sii badiyo waci-gelinta inta laga xaqiijinayo ciribtirkiisa ama looga dhaweynaayo iyadoo lala kaashaanayo Wasaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha Samafalka.
c. Waxaa kaloo shirka looga hadlay sidii Gabdhaha ay uga qaab-noqon-lahaayeen Maamulka la rabo in dhawaan loo dhiso Degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe kasoo ay haddaba qaban-qaabadiisa ay socoto loona siin lahaa Kootada ay ku leehiyiin Maamulka soo socda iyadoo sida laga dhawaajiyay Dowlad Goboleedka KGS uu Baarlamaanka hadda shaqaynay uu siiyey Kootadii loogu tala-galay in ka badan.
d. Iyadoo lagu balamay in si dhow ay u wada shaqayaan SOSWENSA iyo Wasaaradda Haweenka kana wada shaqeeyaan guud ahaan horumarka gaar ahaan kan Haween oo muhiimad u leh Bulshada qaynaheeda kala duwan.