Gudoomiyhii hore ee Daladda SOSWENSA ahna xubin ka mid ah Dalladda SOSWENSA Mudane Cabdi Cadow ayaa nagu soo booqday Xafiiska Daladda ee Magaalada Baydhabo ka dib markii uu in muda ah ku maqnaa Magaalada Muqdisho.
Waxaana kala qaadanay warbixino dhaadheer oo ku saabsan xaalada Daladda halka ay hadda wax marayaa, hiigsiga iyo sidii loo hormarin lahaa loona wada-shaqayn lahaa.
Wada-sheekeysi iyo isu-xog-waran ka dib waxaan isla qaadanay in si dhow loo wada shaqeeyo, howlahana la isku garabsado si ay Daladdu u noqoto mid si xoog ah Bulshada ugu adeegta.
Dhinaca kale, Cabdi Cadow ayaa u mahad-naqaday si weyna u amaanay Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka howlaha baaxada weyn ee uu qabtay mudadii yard ee uu xilka hayay, wuxuuna ku booriyay in dadaalka la sii laba-laabo si Bulshada loo gaarsiiyo horumar.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa la isku-af-gartay in si dhow loo wada-shaqeeyo meel walba oo la joogo, lagana wada-shaqeeyo danaha iyo horumarka Bulshada KGS.
Leave A Comment