Maanta oo ay tariikhdu tahay 17/02/2018, waxaa Magaalada Baydhabo tababar ay uga qabtay Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA Hay’adda IIDA kasoo ku saabsanaa fahanka Ururada Bulshada KGS ay ka qabaan Dastuurka Qabyada ah ee la rabo in dib-u-eegis lagu sameeyo.
Tababarkaa ayaa waxaa ugu horayntii hadalo ku aadan fahanka Dastuurka ee Bulashada KGS, doorka Wasaaradda Dastuurka iyo sida ay waajib u tahay in Muwaadin walba uu u haysto nuqul ka mid ah Booga Dastuurka ka soo jeediyay Gudoomiyaha Dalladda SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka.
Waxaa kaloo Gudoomiyaha Dalladda Dr. Baraka uu cod dheer ku sheegay sida ay waajibka u tahay ka qayb-qaadashada Ururada Bulshada Rayidka dib-u-eegista la rabo in lagu sameeyo Dastuurka Dalka, isagoo intaa raaciyay inay yar tahay fahanka ay Bulshada ka qabto Dastuurka qabyada ah kaliya laga maqlo idaacada loona baahan yahay sidaa in wax laga bedelo.
Geba-gebadii ayaa waxaa tababarkaa furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee KGS Mudane Maxamed Cali Maxamed SHUUTE, oo halkaa ka cadeeyey sida ay Wasaaradda Dastuurka uga go’an tahay gaarsiista Bulshada Dastuurka, wuxuuna balan-qaadaday inay ka qayb-gelin doonaan Ururda Bulshada KGS ee SOSWENSA dib-u-eegista la rabo in Dastuurka Dalka lagu sameeyo.
Leave A Comment