Ururada Bulshada Rayidka KGS ayaa soo saaray Warqad ay kaga xun yihiin dib-u-dhaca ku yimid Gudiga Doorashada Madaxweynaha KGS oo la rabay in la magacaabo 2 bilood ka hor xilliga Doorashada, hasa yeeshee aanu dhicin.
Qodobka 65aad Farqadiisa 2aad ayaa si u qeexeysa wuxuuna u qoran yahay sidan; Gudiga Doorashada waxaa la magacaabayaa 2 bilood ka hor xiliga doorashada, ….
Hasa yeeshee, Gudoomiyaha wuxuu ku guul daraystay inuu magacaabo gudigaa sidaana wuxuu ku jabiyay qodob dastuuri ah.
Waxaan si buuxda uga codsanay inuu si dhaqsi ah uu u soo magacaabo Gudigaa si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loona dhowro sharciga.
Dalada SOSWENSA waxay baaq u dirtay Dowlada Federalka iyo dhamaan Beesha Caalamka.
waa sidan.
Ref. Soswensa/025/2018 Date: 06 /10/2018
WAR-MURTIYEED
Sida lala-wada-socdo waxaa dhamaad ku dhow xili-waqtiyeedka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Somaaliya kasoo xilka qabtay 17da Nofember 2014 kuna eg 17ka Nofember 2018 oo inaga xigto wax ka yar 41 maalin.
Dhinaca kale 29kii Feberaayo 2018 Golaha Shacabka ee KGS waxay si buuxa codka aqlabiyada ugu ansaxiyeen in 17ka Nofember 2018 ay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha xiga ee Dowlad Goboleedka KGS.
Haddaba, sida Dastuurka Dowlada Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya uu qabo Qodobkiisa 65aad Farqadiisa 2aad una qoran sidan; Waxaa gudiga doorashada la magacabaya laba bilood ka hor waqtiga doorashada, Wuxuuna gudiga jir ayaa laba bilood ka dib dhamaadka natiijada doorashada.
Haddaba, iyadoo la dhowrayo Dastuurka DGKS, ayaa waxay Ururada Bulshada Rayidka KGS ee SOSWENSA walaac ka muujinayaan jabinta qodob Dastuuri ah iyo dib u dhaca ku yimid xiliga uu Dastuurka uu u cayimay in la magacaabo Gudiga Doorashada ee DGKGS.
Si loo ilaaliyo shariciga, looguna dhaqmo, ayaa waxaan si buuxda ugu soo jeedinaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS in uu si deg deg ah u soo magacaabo Gudiga Doorashada una hor-geeyo Baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado sida sharciga qabo, waajibaadkooda Dastuuriga ahna ay u gutaan.
Dhinaca kale, waxaan walaacayna la wadaageynaa Dowlada Federalka ee Somaaliya, Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yururb, Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo Daneeyayaasha Somaliya, waxaana ka codsanaydnaa in culays lagu saaro Gudoonka Baarlamaanka sidii uu si dhaqsi ah ugu soo magacaabi lahaa Gudiga Doorashada KGS.
Ugu danbeyntii, waxaan si aad ah ugu walwalsanahay in doorashada ay dhici waydo xiligii loogu tala-galay khilaafyana ay hareeyaan KG kuwaas oo keeni kara iska-hor-imaadyo sababi kara bara-kac, dhawac ama dhimasho iyo bur-bur hantiyadeed, si intaa iyo in ka badan looga baaqsado waxaan cod-dheer ku sheegaynaa in aan ka soo hor-jeedno wixii khilaaf keeni kara.
Abdulkadir Sheikh Ali Baraka
Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka KGS SOSWENSA
Leave A Comment