QAAR KA MID AH URURADA BULSHADA KGS EE SOSWENSA OO KA QAYB GALAY

//QAAR KA MID AH URURADA BULSHADA KGS EE SOSWENSA OO KA QAYB GALAY

QAAR KA MID AH URURADA BULSHADA KGS EE SOSWENSA OO KA QAYB GALAY

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA ayaa Magaalada Muqdisho uga qayb-galay kulan balaaran oo looga doodayay dib-u-eegista Dastuurka Dalka.

Shir-weynahaa ayaa waxaa ka soo qayb-galay madaxda dalka ugu saraysa sida Gudoomiyaha Baalamaanka Federalka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo Raisul-wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, Wasiiro Xilibaano iyo ergooyin laga kala casuumay Maamul-goboleedyada Dalka marka laga reebo Jubbaland.

Kulanka ayaa warbixin ka soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Kulanka oo socda seddex cisho ayaa wuxuu ahaa mid looga dooday dib-u-eegista Dastuurka lagana soo saaray war-murtiyeed uu isku raacay Shir-weynaha.

Waxaana soo xiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha Dalka.

By | 2018-05-23T09:07:26+00:00 May 23rd, 2018|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment