Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mud. Cabdullahi Cali Watiin iyo Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA ayaa waxay wada qaateen shir mufiin ahaa oo looga gadlaayey sidii Bulshada ku dhaqan Magaalada looga hormarin lahaa dhinac walba iyadoo markaa xooga la saarayey sidii la isga kaashan lahaa biya yaraanta ku soo food leh Magaalada iyo sidii looga foojignaan laha Shubu biyood ka dilaaca Magaalada iyadoo si weyn la isu xasuusiyey dhacdadii sanadii 2017-dii oo magaalada ka dilaacay Shubun-biyood iyo Daacuun oo ay boqolaal qof ay u geeriyoodeen.
dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada wuxuu noo balan qaaday in ay yeelan doonaan ururada Bulshada iyo maamulka Degmada si kor loogu qaaday helida baahiyaha Bulshada.
Leave A Comment