Ururada aan Dowliga ahayn ee Koonfurgalbeed Soomaaliya SOSWENSA ayaa waxay shir Xafiiskiisa kala qaateen Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka KGS Mud. Cabdullahi Fanax.
Shirkaa oo ahaa mid la isku baranayey la-iskuna xog-wareysanaayay ayaa halkaa waxaa soo dhoweyn ka dib ugu horeyntii hadalka qaatay Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Baraka wuxuuna mahad-naq balaaran uu u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha kuna amaanay heerka uu soo gaarsiiyay Ciyaartoydii Koxda Kubbadda Cagta ee KGS iyo howlaha badan ee uu qabtay intii uu WasaaradaWasiirka ka ahaa.
Ka-dib waxaa halkaa war-bixin dheer ka jeediyay Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Cabdulqadir Sh. Cali Baraka oo ka war-bixiyey sidii ay u dhacday doorashadii Daladda ee 25/09/2017-dii, heerarkii la soo maray, wax-yaabihii la soo qabtay iyo hiigsiga Daladda ee 2018 howlaha la rabo in ay Daladda qabato.
waxaa isna dhiniciisa war-bixin dhinacyo badan taabanaysay halkaa ka soo jediyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinrada iyo Ciyaaraha Mudane Fanax ook a sheekeeyey wax-qabadka Wasaarada dhinaca Ciyaaraha iyo dhinaca Dhalinyarada, wax-yaabihii u qabsoomay.
Gaba-gabadii waxaa la isku raacay in mar-walba la isu yimaado lagana wada-hadlo xaalaha jira lagana wada-shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa Bulshada KGS.
Leave A Comment