shir dhex-maray Wasiiradda Haweenka iyo Daladda SOWENSA

//shir dhex-maray Wasiiradda Haweenka iyo Daladda SOWENSA

shir dhex-maray Wasiiradda Haweenka iyo Daladda SOWENSA

Waxaa shir muhiin ahaa dhex maray Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Nadiifa Xaaji Carmiye iyo Daladda SOWENSA oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka.

Shirkaa ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan sida;

  1. In la ilaaliyo guud ahaan xaquuda Dumar, lana dhowro sharaftooda laguna tacadiyin.
  2. In wacyi-gelin badan la sameeyo sidii Gabdhaha ay uga qayb-qaadan lahaayeen waxbarasha asaasiga ah.
  3. sidii Gabdhaha ay ug qaynb-qaadan lahaayeen Maamulada la rabo in dhowaan laga dhiso Degmooyinka Baydhabo iyo Baraawe ay si rasmi ah ugu heli lahaayeen saamigooda.
  4. In gabdhaha ku jira Xabsiyada loola socon lahaa xaaladooda caafimaad iyo inay helaan xaqooda.
  5. Iyo in gabdhaha ka qayb-qaataan guud ahaan horumarka gaar ahaan kan KGS.

Waxaa ugu danbeyntii lagu heshiiyay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo xaqiijiyo horumarka KGS

By | 2018-02-02T09:48:43+00:00 February 2nd, 2018|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment