Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh, Cali Baraka ayaa shir heerkiisu aad u sareeyay wuxuu la qaatay qaar ka mid ah Daladaha ka howl-gala Gobalka Shabeelada Hoose, shirkaa ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Daladda Prof. Cabdulqaadir Sh. Cabdiwaab, uqaybsanaha Gobalka iyo udoodaha Gobalka.
Waxaa halkaas warbixin dhinacyo badan taabanaysay looga dhageystay Gudoomiyaha Daladda Dr. Cabdulqaadir Sh, Cali Baraka oo ka war-bixiyay guud ahaa halka ay Daladdu wax u marayaan, guulihii la gaaray iyo waxay hiigsanayaan, waxay ahayd warbixin aad u dheer oo uu ku faah-faahiyay marxalaha iyo guud ahaan howlaha ay qabaray Daladda.
Shirkaa oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Daladda ayaa ugu horyantii waxaa war-bixin dheer halkaa ka jeediyay Gudoomiye kuxigeenka Daladda Prof Cabdulqaadir S. Cadulwahaab oo si aad ah uga warbixiyay halka ay wax u marayaan hawlihii ay qabteen iyo hiigsigooda, ka dib waxaa la guda galay ajandayaashii uu soo diyaaruyay Mudane Abuukar Janaale oo ah Focal Point-ga Daladda ee dhanka G.SH.H.
Waxaana ugu danbeytii la isku raacay in la fuliyo lana daba-galo dhamaan qodobadii la isku raacay inta aan la gaarin shirka kan xiga si horey loogu socdo.
Waxaa shirka soo xiray Gudoomiyaha Daladda SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka.
Leave A Comment