Daladda Ururada Bulshada Koonfur galbeed ee SOSWENSA ayaa maanta oo tariikhda tahay 10 July 2018 Hotel Kulmiye ee Magaalada Baydhabo ugu furtay tababar 50 Gabdhood oo ka kala yimid 10ka Xaafadood ee Magaalada Baydhabo kasoo lagu barayay KA-HOR-TAGGA AMNI DARADA iyo KA QAYB QAADASHADA NABADA KGS.
Tababarka oo ay soo qaban-qaabisay Daladda Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA ayaa waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baydhabo Adan Carab, Gudoomiyaha Gobalka Bay Cali Wardheere Dooyow iyo Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee KGS Marwo Nadiifo Xaaji Carmiye oo tababarka furtay.
Waxaa ugu horayntii halkaa war-bixin ka soo jeediyay oo ku saabsan tababarka iyo ulajeeda ka danbeysay Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka KGS Dr. Cabdulqadir Sh. Cali Baraka oo ku dheeraaday ahmiyada tababarka, wuxuuna Gudoomiyaha Daladda sheegay inay qaban doonaan tababaro kale.
Waana markii ugu horaysay oo Daladda SOSWENSA tababar n0ocan ah u qabato qaar ka mid ah Haweenka Degmada Baydhabo.
Leave A Comment