URARADA BULSHADA RAYIDKA OO BOOQDA WIIL…….

//URARADA BULSHADA RAYIDKA OO BOOQDA WIIL…….

URARADA BULSHADA RAYIDKA OO BOOQDA WIIL…….

Ururada Bulshada Rayidka KGS ee SOSWENSA ayaa booqday wiil yar oo 4 Jir ah oo laga keenay Degmada Qasidheeri ee Gobalka Bay kasoo aanba kuba dhalan ILAAH MAQAADIRTIISA labada gacmood sida idiinka muuqata sawirkiisa, wiilka ayaa lagu magacaabaa Wardheere, waxaa intaa u dheeraa nafaqo daro ku dheeraatay.

Markaan maqalnay sheekada Wardheere waxaan ku dhaqaaqnay isla markiiba inaan is abaabulno una geeyno dhar, joodarayaal, go’ayaal iyo lacag Daladda iska soo uruurisay, waxaana cod -dheer aan ku gaarsiinay Bulshada ku dhaqan KGS sida Ganacsatada iyo Qurba-joogta si loo soo taakuleeyo waxna loo siiyo si ugu yaraan meel loo dhiso si dadka wax soo gaarsiin raba ay u helaan  meel ay ugu soo hagaagaan.

By | 2018-01-30T15:49:19+00:00 January 30th, 2018|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment