Ururada Bulshada Rayidka KGS ee SOSWENSA ayaa shir kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Maxamed Madoobe Nuunow Xaruntiisa Magaalada Baydhabo iyadoo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu weyned Dhisida Maamulka Degmada Bayhabo iyo Degmada Baraawe, kasoo aan Wasiirka u sheegnay:
a. doorka Ururada Bulshada Rayidka KGS ay ku leeyihiin ka qayb-qaadashada iyo kor-joogteynta Doorashooyinka ka dhici doona Magaalooyinkaas.
b. in Wasaaradda Arrimaha iyo Ururada Bulshada Rayidka KGS ee SOSWENSA ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo-hormariyo Bulshada guud ahaanteeda.
c. In Wasaaradda ay isku xirto Ururada Bulshada iyo Hay’adaha kale ee ka shaqeeya Arriamaha Bulshada Dowlada Goboleedka KGS iyo Hay’adaha Samafalka.
Ugu danbeyntii Wasiirka iyo Urarada Bulshada waxay isku af-garteen wada-shaqayn dhow iyo in mar-walba la-kala war-qaato si loo ogaado halka ay wax marayaan.
Leave A Comment