Ururada Bulshada Rayidka KGS ee SOSWENSA ayaa tababarka Tababarayaasha (ToT) ee ku saabsanaa arrinaha Dastuurka iyo Cilmiga Bulshada (Civic Education) ay ku baranayeen loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.
Tababarka oo ay bixinayeen khubaro ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee KGS ayaa waxaa ka faa’iidaystay 75 xubnood oo la doonayo inay sii tababaraan xubno kale oo ku sugan Gobalada Bakool, Shabeelada Hoose iyo Bay.
Tababarka oo ahaa mid loogu gol lahaa in la fahmo lana gaarsiiyo arrimaha Dastuurka Bulshada ku dhaqan Degaanada KGS.
Waxaa halkaa hadalo dardaaran oo aad u dheeraa ka soo jeediyay Gudoomiyaha Ururada Bulshada KGS ee SOSWENSA Dr. Cabdulqadir Sh. Cali Baraka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee KGS Mudane Mustaf Sh. Cabdulahi CADAF oo ka faa’iideysadayasha tababarka kula dar-daarmay inay u diyaar-garoobaan sidii waxa ay barteen u gaarsiin lahaayeen dadka kale.
Geba-gebabadii ayaa waxaa tababarka soo xiray la-taliye sarre ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka Mudane Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa dhamaan ka qayb-galayaashii tababarka la siiyay shahaadooyin.
Leave A Comment