Sida masuuliyadeena iyo waajibaadka ina saran ay na farayaan waxaana la wadaagaynaa dhamaan ardada Soomaaliyeed, waalidiinta iyo baraayaashii juhdiga galiyay horumarinta waxbarashada dalka, dareenka murugada leh eek u dhacay ka dib markii dib u dhac uu ku yimid hiigsigoodii in uu soo gabagaboobo dadaalkii ay u galeen imtixaankan fashilmay.
Intaas ka dib/-
Waxaanu ka xunahay in la dhowri waayay amaanadii iyo masuuliyaddii ay qaadeen Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Federalka Soomaliyeed, taa soo ahayd in imtixaanka ku jiro gacan aaamin ah inta la galayo isagoo maadda maada ah, si uu u noqdo imtixaan ku dhisan caddaalad iyo sinaan.
Hadaba, waxaan soo jeedinaynaa
In Wasaaradda iyadoo ilaalinaysa nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay ku dhawaaqdo sababaha ay u dhaceen arrimahas iyo shakhsiyaadka galay fal dambiyeedkaas iyo ciddii ku caawisayba lag horgeeyo caddaaladda.
N aan qalad lagu qalad, oo la dulqaato lagana warsugo Wasaaradda waqtina la siiyo, oo aanay dhicin in ay kala daadato wada shaqaynta Wasaradda Waxbarashada Federalka iyo kuwa maal goboleedyada.
In ardada iyo waalidiinta laga raali galiyo dhibkaas ku dhacay oo ay u soo mareen ama galiyeen maal, muruq iyo maskaxba iyadoo aanay jirin cid ku caawisay waxa ay filayeena ay ahayd in ay helaan SHAHAADO ku timid Imtixaan loo dhan yahay oo ay ku hungoobeen.
In ay ka qayb qaataan dhamaan Wasradaha Waxbarashada ee Federalka iyo kuwa maamul goboleedyadaba sidii dib loo qaban lahaa Imtixaan ku dhisan caddaalad iyo sinaan.
In wasaradda Fedralka damanad qaado in aanu dhicin qaladkii dhacay oo kale taa soo ku keenaysa ardada iyo waalidiintodaba Waqti iyo Maaliyad dhumin iyo niyad xumo.
Sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa Idaacadaha iyo Isticmaalayasha baraha bulshada in aanay siyaasadeenin dhacdadaan kana wardhowraan caddaaladda iyo meesha ay ku dhamaato.
Wabillaahi towfiiq
JILAYAASHA AAN DOWLIGA AHAYN EE K/GALBEED SOMALIYA
Leave A Comment