XAFLAD SHAHAADO SHARAF LAGU GUDOONSIINAAYAY ABWAANADA

//XAFLAD SHAHAADO SHARAF LAGU GUDOONSIINAAYAY ABWAANADA

XAFLAD SHAHAADO SHARAF LAGU GUDOONSIINAAYAY ABWAANADA

Ururada Bulshada Rayidka KGS SOSWENSA ayaa maanta shahaado sharafyo dhiiri-helin ah gudoonsiiyay qaar ka mid ah ABWAANADA ku sugan Magaalada Baydhabo ka dib markii Xaflad aad u qurux badan loo sameeyay.

Waxaa shahaadoyinka la gudoonsiiyay:

  1. Afyaal: Maxamed Xasan Cusmaan ( Caan-jeex )
  2. Abwaan: Cabdi Maxamed Nur Qaasin ( Balwa-diid )
  3. Afyaal: Cabdi Maxamed Nur Xasan ( Ibdow Aasi )
  4. Fanaan: Muxsin Qaasin Khaalib ( Jaakoole 0
  5. Fanaan, Abwaan: Maxamud Xaaji Maxamed ( Tarash )

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaar ka mid ah Xilibaanada Dowlada Federalka, Wasiiro iyo Xilibaano KGS, marti sharaf iyo fanaanin kala duwan.
Waxaa ugu horayntii ka hadlay Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka KGS SOSWENSA Dr. Abdulkadir Sheikh Ali Baraka oo ka warbixiyay sababaha iyo ulajeedada shahaado sharafyada iyo inay SOSWENSA mar walba diyaar u tahay dhiiri-gelinta dadka wax ku oolka ah.
Waxaa halkaa ka hadlay Xil. Afaraale iyo Xil. Idiris Abdi Dhaqtar, Xil. Ibrahim Macallin iyo Maryan Saylac oo dhamaantood u mahadceliyay Dalladda SOSWENSA dhiirigeliyayna Abwaanada iyadoo sheegay in ABWAANADA xaaladooda laga warqabo xikmadaha ku jirta laga maalo si buugag looga diyaariyo.

By | 2018-07-11T16:38:01+00:00 July 11th, 2018|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment