DALADDA SOSWENSA OO KA QAYB-GASHAY DOOD LOOGA HADLAAYAY QAXOOTIGA IYO BARAKACAAYASHA

//DALADDA SOSWENSA OO KA QAYB-GASHAY DOOD LOOGA HADLAAYAY QAXOOTIGA IYO BARAKACAAYASHA

DALADDA SOSWENSA OO KA QAYB-GASHAY DOOD LOOGA HADLAAYAY QAXOOTIGA IYO BARAKACAAYASHA

Daladda SOSWENSA ayaa ka qayb-gashay dood looga hadlaayay sidii Qaxootiga iyo Barakacayaasha si iskood ah ay ugu soo noqon lahaayeen Dalkooda kasoo ka dhacay Hotel Horyaal ee Magaalada Baydhabo.

doodaas oo ay waday Hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa waxaa ka soo qayb-galay dhamaan Ururada Bulshada qaybahooda kala duwan, waxaana halkaa faah-faahin ku saabsan arrimaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha ka soo jeediyey madaxa Qaxootiga Qaranka Mud. Axmed Daahir oo si qoto dheer u faah-faahiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dalalka Kenya, Ethiopia iyo Djabuti, wuxuu halkaa ka cadeeyey in Qoxootiga Soomaliyeed ay qaarkood hore iskood ugu soo noqdeen qaarna waxaa soo celiyay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxdootiga u qaabilsan ee UNHCR, kuwana hadda ayaa la qorsheeyanayaa inay si iskood u soo noqdaad.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha  Jilayaasha Daladdaha aan Dowliga ahayn KGS ee SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Barka oo ku dheeraadey sida ugu wanaagsan ee Dadkaa loo soo celin karo oo ah buu yiri Gudoomiyaha waa in qasab lagu soo celin karin lana dhowro Xaquuqul Insaanka iyo in marka hore loo diyaariyo wixii ay ka heli jireen Xeryaha oo dhinac walba leh, wuxuun Hay’adda Qaxootiga Qaranka ku booriyey in ilaaliyaan Xaquuqal Insaanka iyo sharafta bini’aadanka.

Waxaa kaloo ka soo qayb-galay masuul ka tirsanWasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee KGS oo halkaa hadal dheer ka jeediyay sheegayna sida ugu wanaagsan ee dadkaa si iskood loogu soo celin karo iyo sida degaan wanaagsan loogu heli karo ka hor inta la soo celin, wasaaraddana ay diyaar u tahay in gacan weyn ka gaysato.

 

By | 2018-02-01T10:04:34+00:00 February 1st, 2018|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment