Beryaha Daladda SOSWENSA waxay waday kulamo ay la qaadanaysay qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlad Goboleedka KGS sida aad ka arki kartaan qoraaladeyna hore.
Tanina waxay qayb ka tahay kulamadaas, waxaa maanta inoo suura-gashay inaan Xafiiskiisa kula kulano Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Rooble Sheekh Xasan, xilligaa oo ay Wasaaradda joogeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada.
Is-barsho ka dib, waxaa halkaa war-bixin dheer oo shaqada Wasaaradda iyo howlaha ay hayso ka war-bixiyey Wasiirka, isagoo ku dheeraadey howlaha ay hayaan baaxadooda iyo waxa looga fadhiyo iney qabtaan.
Ka-dib waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Daladda Dr. Cabdulqadir Baraka oo mahad-naq ka dib ka war-bixiyay Daladda SOSWENSA, waxay qabteen afartii bilood ay shaqaynayeen iyo waxa bulshada ay uga fadhido in Dalladda qabato.
Daladdu waxay Wasiirkaba ka warasatay qaabka shaqo qorista ee shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed iyo qaabka shaqo qaadashada shaqaalaha Ajanabiga.
Ugu danbayntii waxay Wasiirka ka codsatay in shaqo qaadasha munaanta koowaad la siiyo shaqalaha ka soo jeeda KGS, si looga faa’iideeyo dhalinyarada soo dhameysatay Jaamacadaha ee shaqa doonka ah.
Waxaana lagu balamay in kulamada la joogteeyo.
Leave A Comment