Waxaa kulan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaalada ee Dowladda Koonfurgalbeed Soomaaliya ayna ka soo qayb-galeen Ururada Bulshada Rayidka ee KGS uu ka dhacay Xarunrta Shirarka ee Wasaaradda Qorshaynta kasoo ay ka soo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada sida, Culumaa-u-diinka, Malaaqyada, Ganacsatada, Haweenka Dhlinyarada, Ururada Iskaashatooyinka kala duwan, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, iyo Maxkamadaha heerarkooda kala duwan.
Waxaa kulankaa oo ahaa mid Bulshada iyo Bahda Cadaalada ay ku wada-hadlayeen sidii Cadaalad loo heli lahaa.
kulankaa oo ay ka hadleen Saraakiisha Ciidamada intooda joogtay, Wasaaradda Cadaalada, Maxkamadaha iyo Ururada Bulshada ayaa halkaa waxaa ulajeeda faah-faahiyey Wasiirka Cadaalada ee KGS Mudane Xasan Lugbuur, kadib waxaa hadalka isaga daba-qaatay qaybaha Bulshada oo dhamaantood ka wada dhawaajiyey baahida loo qabo in Cadaalada la heli sharcigana loo sinaado.
Waxaa halkaa hadal dheer ka soo jeediyey Gudoomiyahay Daladaha aan Dowliga ahayn ee SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Baraka oo ku dheeraday baahida ay Bulshada u qabto Cadaalad Sharciga hortiisa ee maskiinkana la-xirin qofta tunka wayna uu xirmi waayo sida ay marar badan dhacda.
waxaa kaloo halkaa ka hadlay General Mahad Cabdiraxmaan Taliyaha Guud ee Booliska KGS, wuxuuna balan qaaday in si buuxda ay u fulin doonaan caddaalada, isagoo ka codsaday Bulshada in ay la shaqeeyan kanala shaqeeyaan Caddaalada iyo Arrimaa Amniga.
Gaba-gabadii ayaa waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Caddaalada ee KGS Mudane, Sheekh Xasan Lugbuur oo sheegay in Wasaaradda si aad ah u soo dabaqi doonta CADDAALADA laamaha Garsoorka ay fulin doonaan Xukun Caddaalada ah Bulshaduna looga baahan yahay wada-shaqayn dhow kuna qancaan Xukunada ay Maxkamaduhu ridaan iyadoo ay u banaan tahay in muwadinku racfaan ka qaato xukunkaa.
Leave A Comment