Kulan ay soo wada-qaban-qaabiyeen CRD iyo Daladda SOSWENSA oo loo qabtay qaar ka mid ah Ganacsata ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo kasoo ay wada maal-gelinayaan Midowga Yurub, Finland iyo FCAiyadoo ay wada fulalinayeen Hay’adda CRD iyo Daladda SOSWENSA.
Kulankaa oo lagu baranayey sidii kor loogu qaadi lahaa Ganacsiga noocyadiisa kala duwan loona ilaalin lahaa tayadiisa iyo bad qabkiisa ayaa waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Ganacsatada KGS Mudane Maxamed Cali Nuur Aduunyo iyadoo uu goob-joog ka ahaa Afayeenka Chamber ka Mudane Aweys Salad Dadoow iyo masuuliyiin kale oo ka socotay qaybaha kala duwan ee Ganacsiga oo isugu jiray rag iyo Dumar.
Waxaa kaloo lagu barnaayay habka ganacsiga loo kobcin karo iyo sida ganacsatada yay yar loo caawimi karo.
Waxaa ugu danbeyntii soo xiray kulanka Gudoomiyaha Daladda Ururada Bulshada Rayidka ee SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cali Baraka.
Leave A Comment