Kulan ayaa wuxuu dhex-maray Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka KGS Marwo Amina Macallin Cali iyo Xubo sar-sarre oo ka tirsan Daladda Jilayaaasha aan Dowliga ahayn KGS ee SOSWENSA.
Kulankaa oo ka dhacay Hotel Horyaal ee Magaalada Baydhabo, ayaa is-barasho ka dib waxaa ugu horeyntii halkaa war-bixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, heerarkii ay Daladda soo martay iyo wax-qabdkii Daladda mudadii yarayd eeĀ 4tii bilood ee hadda dib-la-isu doortay halkaa ka sheegay Gududoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ee SOSWENSA Dr. Cabdulqaadir Sh. Cali Baraka.
Ka-dib waxaa iyadana dhankeeda war-bixin ka jeedisay Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Marwo Aamino oo ka warbixisay habka iyo nidaamyada ay dadka u shaqaaleysiiyaan, heerarka uu soo maro shaqo doonaha iyo sida ay imtaxaanada u qaadaan.
Ka-din waxaa kaloo iyana halkaa ka hadlay qaar ka mid ah Xubnaha Daladda SOSWENSA oo su’aalo badan weydiiyey Gudoomiyaha Gudiga oo ku saabsanaa qaabka shaqaalaynta, sida ay imtaxaanadu u qaadaan iyo sida ay ku kala xulanayaan dadka iyo sida ay ku xaqiijinayaan in qofka ka soo jeedo KGS. Waxanya ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay in la iskaashado lana wada-shaqeeyo iyo in Bulshadan si dhab ah loogu adeego.
Gudoomiyaha Gudiga waxay ahayd mid si lagu qanci karo uga jawaabtay dhamaan su’aalihii la weydiiyey, waxayna faah-faahin ka bixisay hababka ay maraan ka hor inta aanay Imtaxaanada qaadin iyo sida ay u baaraan shahaadooyin ay shaqo doonayaashu ay wataan saxnimadooda.
Waxaana la isku raacay in la yeesho kulamo badan iyo in si dhow loo wada shaqeeyo, waxayna Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka ay balan-qaaday in sidaa ay yeeli doonto.
Leave A Comment