Xubno heer sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Hay’adaha UN-ka oo soo gaaray Magaaldaa Baydhabo ayaa waxay shir la qaateen madaxda Ururada Bulshada Rayidka ee KGS SOSWENSA.
Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlaayay sida ay u qabsoomi karto doorasho HAL QOF iyo HAL COD ah iyo sida ugu haboon ee loo soo xuli karo Xildhibaanda imaan doona.
Waxaa kaloo la isla soo qaaday caqabadaha iman kara iyo sida Ururada Bulshada Rayidka uga qayb-qaadan karaan.
Ugu danbayntii waxaan ka Urur Bulsho ahaan u sheegnay Xubnihii ka socday Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka aragtidayna ku aadan sida ugu haboon ee ay u dhici karto dooarasho HAL QOF iyo HAL COD ah.
Leave A Comment