Ururada Bulshada Rayidka ee KGS ee SOSWENSA ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen Xafiiskooda Magaalada Baydhabo oo kaga hadleen fara-gelinta ay ku hayaan qaar ka mid ah Wasiirada DGKGS iyo Maamulka Degmada Baydhabo kasoo kaga cabanayeen in mar walba ay ogolaadaan in Magaalada Baydhabo ay howlo ka fuliyaan Ururo kale oo ka dhisan Degaano kale.
Waxay masuuliyiintaa iska idho-tarayaan in Dalka uu yahay Federal oo Hay’ad walba ay ka shaqaynayso degaankeeda la iskuna xad-gudbi karin.
Haddaba, waxaa halkan Baydhabo ka dhacdaa marar badan in Ururro kale inta ay yimaadaan loo ogolaado inay siday doonaan howl uga fushadaan sida tan hadda dhacday oo ah; in Daladda SOSCENSA ay ka fulisay dib-u-eegista Dastuurka iyadoo ay u fududeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Maamulka Degmada Baydhabo iyadoo ay joogaan Daladda Bulshada Rayidka ee KGS ayna fulin kartay howshaa.
Sidaa daraadeed, waxaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka u sheegaynaa in aan halkan Baydhabo laga qaban Dib-u-eegista Dastuurka ayna ka qayb-qaadan Ururada Bulshada Rayidka KGS sida aan ugu soo dirnay E-mail Agaasimaha Guud ee Wasaarada uguna faah-faahinay wixii dhacay iyo qaladaadka la sameeyay.
Sidoo kale waxaan baaq u dirnay Hay’adaha caawiya Ururada Bulshada una sheegnay in KGS ay ka dhisan tahay Dalad Ururo Bulsho Rayid oo matasha dhamaan KGS, wixii ku saabsan arrintaana laga soo xariiro Dalada SOSWENSA.
Leave A Comment