WARMURTIYEED

//WARMURTIYEED

WARMURTIYEED

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20.04,2019

Shir uu yeeshay Guddiga Agaasinka iyo maamulka Jilaayaasha aan dowliga aheyn ee koonfur Galbeed Soomaaliya (SOSWENSA) laguna qabtay Xorunta Dallada ee Magaalada Baydhoba, loogana hadlay xaaladaha Nololeed, Siyaasadeed iyo kuwa Bulsho ee Koofur Galbeed Somaliya.

 

HORDHAC

SOSWENSA waa Jilaayaasha aan Dowliga aheyn ee koonfur galbeed Soomaaliya taasi oo mideysa Ururada bulshada rayadka oo ay ku jiraan NGOs, CBOs,  Ganacsatada, Saxaafadda, Culumaa’udiinka,  Ururada Haweenka, Dhalinyarada, Qareenada, Iskaashatooyinka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada), iyadoo hogaanka Jilaayaasha aan Dowliga aheyn ee K/G Soamaaliya (SOSWENSA) la doorto labadii sanaba mar, xaruntiisuna ay tahay Baydhoba Gobolka Bay.

Doorka SOSWENSA waa isku xirka, horumarinta, kor qaadidda, u doodidda  bulshada rayadka, ka qaybqaadashada hawlaha muhiimka ah ee socda  iyo ku caawinta (Suporting) Dowladda iyo dhamaan Instututionada dastuuriga ah,  sida garsoorka, Maamulka iyo Sharci dajinta si ay u gudan lahaayeen howlaha loo idmaday si loo hormariyo dowlad wanaagga  iyo  bulshada reer  K/galbeed.

Gaar ahaan madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo ah isku xiradaha saddexda Awoodood iyo guud ahaan Bulshada (Dadweynaha).

 

WAXYAABAHA LAGA FILAYO MAAMULKA K/GALBEED SOMAALIYA.

1)- Hogaamin ay ku dheehantahay dareen Mas’uuliyadeed.

2)- Dib u heshiisiin loo dhan yahay.

3)- Aqoonsiga, Fulinta iyo dhaqan galinta Dastuurka, Xeerarka caalamiga ah iyo kuwa heer goboleed oo ay saxiixday Somaliya,  ku waa soo damaanad qadaya ilaalinta Xoriyadaha iyo Xuquuqul  Insaanka.

4)- Wada shaqaynta hay’adaha dastuuriga ah oo ay ku jiraan Baarlamaanka, Xukumadda, iyo Garsoorka lagana ilaaliyo in ay isku milmaan.

5)- Sugidda amniga  iyo amaanka Dadka rayadka ah iyo hantidooda

6)- Dhiirigalinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah.

7)- In doorashada Baarlamaanka K/Galbeed ay dhacdo waqtigii loogu tala galay oo aanay dib u dhac ku imaanin.

8)- In Madaxweynaha hubiyo habka soo xulidda xildhibaanada in ay  kawada qayb qaateen dhamaan odoyaasha dhaqanka ( odoyaasha jilibyada iyo jufooyinka beelaha ay kala matalayaan xildhibaanada) oo aanay noqon mid uu soo xulo hal qof sidii dhici jirtay, iyadoo uu hubinayo Madaxweynaha ka mid ahaashaha xildhibaanada dhamaan qaybaha bulshada sida dhalinyarada, Haweenka iyo walaalaha baahiyaha gaarka qaba (Naafada)

9)- In la xaqiijiyo madaxbanaanida Garsoorka ,hufnaanta iyo dhowrsanaanta garsoorayaasha.

10)- In kor loo qado ilaalinta xuriyatul qowlka iyo in saxaafadda madaxa banaan noqota mid howlaheeda u madaxbanaan ayadoo suxufiyiintana ay ilaalinayaan Sharciga Saxaafadda.

11)-  In madaxweynaha magacaabo dhamaystirana xilalka muhiimka ah ee ka dhiman maamulka K/galbeed uguna horeeyo Madaxweyne ku xigeenka sida ku cad Dastuurka.

12)- In la dhiiri galiyo lana hormariyo sidii maamulka K/galbeed loo gaarsiin lahaa Gobolada iyo Degmooyinka maamulka, oo ay ku jirto horumarinta reer Miyga.

13)- In la hubiyo qaybinta fursadaha shaqo ee hay’adaha dowladda, sida  guddiyada dastuuriga, xukumadda iyo agaasimayaasha,  aydoo la tixgalinaayo Haweenka, kuwa la heebsooco, kuwa laga tirada badan yahay iyo Walaalaha Baahiyaha gaarka qaba (Naafada) aydoo la ilaalinaya lana xoojinaayo abuurista fursado loo dhan yahay.

14)- In Madaxweynaha uu u istaago isla xisaabtan, ilaalinta hantida dadweynaha iyo la dagaalanka musuqmasuqa

15)- In xilgaar ah layska saaro ilaalinta iyo badbaadada barkacayaasha .

16)- Ugu danbeyn in sare loo qaado wada shaqeynta iyo Xiriirka Dowladda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

 

Wabillaahi Towfiiq.

 

By | 2019-05-20T09:52:07+00:00 May 20th, 2019|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment