Anagoo ku Xadleyno Magaca Ururada Bulshada Rayidka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Waxaan Xalkan Tacasiyi Tiiraayo leh iga Direynaa Dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii ay ka Geeriyoodeen Dadkii Lagu Xasuugay Magaalooyinka Muusamareeb iyo Gaakacyo ee Maamul Goboleedka Gelmudug Soomaaliya waxaana leenaxay Ilaahey Janaatul firdoowsa Haka Waraabiyo Eheladii iyo Qaraabadii ay kabaxeena Samir iyo iimaan Alle Hakasiiyo.
Waxay Aheed Arin Naxadin iyo Xanuun badan kureebtay Dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo aaney wali Ilaawi doonin Dil wadareedkii loo geestay Dadka Xoogsatada ah ee ka shaqesta Maamul Goboleedka Gelmudug ee Reer Koonfur Galbeed.
Hadaba Waxaan Dhamaan International community, UN Midowga Yurub, Midowga Afrika, wadamada Arabta, Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleed KGS ka codsaneynaa in ay cadaadis ku saaraan Maamul Goboleed Gelmudug siidii ay cadaalada u soo horjoojin lahaayeen dadkii kadambeeyey Dil wadareedkii ka dhacay Gelmudug iyo sidii markale Arintaan oo kale u dhicin, sidookale Booliska ka dambeey dadka lagu laayey Gaalkacyo in lagala noqdo aqoonsiyadooda ee boolisnimo falka ay ju kaceen dartiisa.
waxaa kaloo baaq u direynaa shucuubta ku dhaqan Gelmudug sida Culumada, Odoyaasha dhaganka. wax Garadka, Haweenka, Saxaafada, iyo Ganacsatada in ay doorkooda qaataan sidii loo bedbaadin lahaa dadka xoogsatada ah ku dhaqan Gelmudug iyo xuquuqda asaasiga ah ee Bani aadimnimada, tan islaannimada, tan Soomaalinimada iyo tan derisnimada waana waajib saaran in qofba qofka kale uu xaqdhooro.
Leave A Comment