WARSAXAAFADEED KU SAABSAN BAAQ NABADEED S/D 19/22

//WARSAXAAFADEED KU SAABSAN BAAQ NABADEED S/D 19/22

WARSAXAAFADEED KU SAABSAN BAAQ NABADEED S/D 19/22

Dalada urada bulshada rayidka ee koonfur galbeed soomaaliya waxay tacasiyo tiiraayo leh la wadaagaynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rer koonfur galbeed si gaar ahna ehelidii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay shaqaaqadii foosha xumeed ee ka dhacday duleedka baydhabo, waxaana leenahay ilahey ha unaxriisto intii kudhimatay eheladii ay ka baxeensa Samir iyo iiman alle hakasiiyo   inta ku dhaawacantayna  alle ha u booga dhayo.

Hadaba,anagooah dalada ururadda bulsha rayidka koonfur galbeed soomaaliya waxaan soo jeedinaynaa baaq nabadeed oo ku aadan guud ahaan deegaanada konnfur galbeed gaar ahaan walaalihii dhibto kalagaaratay in ay joojiyaan dilka iyo dagaalka isla markaana iskugu yimaadaan gogolnabadeed kuna xaliyaan wadahadal khilaafka u dhaxeeya ayna ay muujiyaa degenaasho isla markaasna kaqeebqaataan  sidii loo soo afjarilahaa shaqaaqadii kadhacaday baydhabo.

Dowlad Goboleedka koonfur galbeed gaar ahaan laamaha amniga in ay Hantaan amniga iyo deganaashaha isla markaasna kahortagaan wax kasta oo wax u dhimikara xasiloonida iyo nabada, in labaaro waxyaabaha sababey dhibka dhacay si loo helo cadeymooyin muujinaya fududeynta xalinta khhilaafaadka.

Sidoo kale waxaan u soo jeedinaynaa Idaacadaha iyo Isticmaalayasha baraha bulshada in aanay siyaasadeenin dhacdadaan kana wardhowraan odoyaasha dhaqanka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliaya.

 

                    Wabillaahi towfiiq

By | 2019-08-10T10:58:55+00:00 August 10th, 2019|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment