WAR MURTIYEED

//WAR MURTIYEED

WAR MURTIYEED

Shir uu yeeshay guddiga boorka soswensa, waxaa lagu falanqeeyay waxqabadkii labadii sano ee la soo dhaafay howlaha  Jilayaasha aan dowliga ahayn ee   (SOSWENSA), oo ay ugu horeeyeen shir xiliyeedkii daladda ee la qabtay Aprile 2019 kana soo saarnay war murtiyeed, iyo qaybtii aanu ku lahayn isdhexgalka bulshada iyo dibu heshiisiinta ka socotay gobolka, sidoo kale waxaanu u qabanay daladaha ay ka kooban tahay SOSWENSA tababaro iyo shirar lagu hormarinayo aqoontooda, sidoo kale waxaanu wada shaqayn la yeelanay Hayadaha calamiga ah iyo kuwa maxaliga oo ay ku jiraan UNka iyo

 Maamulka K.Galbeed, howlihii dib u eegista lagu samaynayay dastuurka dalka iyo latashiyadii arrimaha sharciga doorashoyinka waxaan ka hadalnay dhibaatooyinkii ka dhacay  mamulada kale ee xadgudubka dilka iyo dhawaca isugu jiray loogu gaystay shacabka ka soo jeeda K,Galbeed waxaan kaloo qayb ka ahayn gurmadkii ku saabsanaa abaraha iyo daadkii ka dhacay K.galbeed, sidoo kale waxaana hadda qayb ka nahay sida ay u socdaan ololaha dorashada baarlamaanka 2aad ee K.Galbeed kaa sooo si habsami leh uga socda saddexda gobol oo uu ka kooban yahay maamulka, iyadoo ay muuqato in uu ka duwan yahay sidii lagu dhisay baarlamaankii 1aad  marka la fiiriyo sida uu u socdo ololaha iyadoo cod dheer oo aan hore loo arag u socoto wacyigalinta iyo doonista qoondada haweenka ayna socdaan kulamo iyo wadahadalo lala yeelanayo odoyasha dhaqanka iyo waxgaradekaba..

Sidoo kale, waxaanu qabanay shirwaynihii  3aad ee SOSWENSA, ku saabsanaa dib u eegista xeerarka SOSWENSA, qabashada dorashada Boorka iyo midda Hogaanka SOSWENSA oo ay ku jiraan Guddomiyaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana ilaa iyo hadda noo hirgalay dorashada Boorka SOSWENSA oo ay soo magacaabeen Daladaha ka kala socda 3da gobol Bakoool, Bay iyo SH.Hoose, waxaana dib u dhac kuyimid dorashada Guddomiyaha iyo ku xigeenkiisa kuna timid  cilad dhinaca farsama ah, lana qaban doono waqtiga ugu dhow ee na soo xiga.

DHACDOOYINKII IYO XAALADAHA K.GALBEED.

 Dhacdooyinkii Deganada K.Galbeed  waxaana run ahaantii soo baxday in howlo muhiim ah qabanay, oo ay ugu horayso la socodka nolosha shacabka iyo xaaladaha la soo darsay oo isugu jiray kuwa allaah keenay sida abaraha iyo kuwa dad samee ah sida dhacdooyinka ku saabsan arrimaha nabadgalyada waqtigii kala guurka oo ay socotay ololihii doorashadii ka dhacday K.Galbeed, waxaase guddigu isku raacay in dadka Reer K.Galbeed uga gudbeen dhacdadaas isku duubni iyo wada tashi dorashada ka hor, ka dibna, waxay dowladdu samaysay dib u heshiisiin loo dhan yahay oo ay kawada qaybqaateen dhamaan qaybaha bulshada sida odoyasha dhaqanka, aqoonyahanada, haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta bulshada rayadka iyo dhamaan waxgaradka iyadoo ay garwadeen ka ahayd Dowladda.

DHINACA ARRIMAHA BULSHADA,DHAQALAHA IYO SIYASADDA.

Dhinaca arimaha bulshada, dadka reer K,Galbeed noloshooda waxay ku tiirsan tahay Beeraha, dhaqashada xlaha, kallumaysi iyo ganacsi yaryar, waxaase sanadkaan ka dhacay gobolada abaar iyo  daadad isku xigsaday, iyo amaan daro  oo sababtay barakac baahsan, iyadoo magaloyinka ka jirto shaqo la’aan waxaase maamulka oo kaa shanaya Qaramada Midobay, hayadaha caalamka iyo saxibada Somaliya intii karaankeeda wax u qabatay dhibanayashii.

DHinaca amaanka iyo Siyasadda waxaa la bilaabay hoos u dhaadhicinta maamulka gaarsiinta gobolada iyo degmoyinka 3da gobol, waxaana madaxda federalka iyo kuwa maamulka K.Galbeed booqdeen dhamaan 3daas gobol iyagoo dadka laabta ugu qabojinaya in ay la socdaan durufaha haysta intii karaankoodana wax ka qabanayaan, waxaana jirtay saamayn iyo cadaadis kaga imanaya maamulka K.Galbeed Xildhibanada Federalka oo soo faragalinaya sida ay arrimahau u  socdaan iyagoo raadinaya in ay saamayn ku yeeshaan go’aanada masiiriga ah ee maamulka K.Galbeed qadanayo taa soo loogu adeegayo lana waafajinayo sida shacabka K.Galbeed u dan ah, iyadoo shacabka ay ku caana maaleen mowqifka K,Galbeed ee ku  aadan wada shaqaynta Hayadaha Dasturiga ee Federaalka iyo Maamul goboleedyada keentayna xasilooni siyaasadeed ee ka jirta K.Galbeed .

Waxaase jira talaboyin ku dayasho mudan iyo xaalado kadhacay K.Galbeed oo ay ugu horayso soo celinta ku dhaqanka iyo hirgalinta Dastuurka gaar ahaan qodobada ku saabsan Tirada Xubnaha Xildhibanada Baarlamaanka oo markii hore lagu xadgudbay. Iyo qabashada dorashada waqtigeeda ..

Sidoo kale, DHacdadii taariikhiga ahayd ee uu sameeyay Madaxwenaha K.Galbeed markii ladooranayay Kursigii uu ka baneeyay Baarlamanka federalka oo uu dib ugu celiyay odoyaashii dhaqanka jufada kursigaa lahayd dorashadii la sameeyay ay maamuleen Guddiga Dorashoyinka Qaranka, isagoo ka fogaday in uu samayn ku yesho si ka duwan  sidii dhici jirtay madaxda marka la doranayo kursiga ay baneeyaan.

Waxaan soo jeednaynaa-

1)-In shacabka ka qayb qaataan dhmaan howlaha lagu hormarinayo deegamadooda iyo guud ahaan dalka..

2)-In dowladda xoojiso ku dhaqanka dastuurka, sarraynta sharciga, dhismaha iyo awood siinta hayadaha garsoorka iyo maamul wanaagga oo ay ku jiraan isla xisaabtanka iyo hufnaanta garsorayasha iyo hayadaha maliyadda.

3)- Sidoo kale In dowlada ilaaliso ku dhaqanka iyo hirgainta shuruucda caalamiga ah oo ay Somaliya saxiixday, kuna jiraan ilaalinta Xuququ insaanba, xoriyatul qowlka, amniga iyo amaanka muwadhiniinta, iyo dhamaanba xuquuqaha iyo xoriyaadka ay damanad qadayaan sharciyada calamiga iyo kuwa gobolada iyo qarankaba..

4)- In maamulka hoos loo dhaadhiciyo si loo gaarsiiyo gobolada, degmooyinka iyo tuuloyinka, lana raciyo adeegyada lagamamaarmaanka ah ee bulshada u baahan tahay sida Boliska, Maxkamadaha iyo adeegyo horumarineed.

5)- Sidoo kale in la dhiso lana magacaabo xilalka muhiimka u ah awood qaybsiga bulshada kuna qoran dastuurka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Ku xigeenka iyo guddiyada dastuuriga ah ee dhiman.

6)- In Xildhibanada Federalka kuwa ka soo jeeda ama Degaan dorashadooda ay tahay K.Galbeed in ay joojiyaan faragalinta maamulka gaar ahaan doorashoyinka xildhibanada Baarlamaanka K.Galbeed,

7)- In madaxweynaha uu si gaar ah isaga xilsaaro in baarlamankan 2aad uu noqodo mid loo dhan yahay dhamaan qaybaha bulshada oo ay ku jiraan Hawenka, DHalinyarada, Walaalaha baahiyaha gaar ah qaba (Nafada), beelaha laga tirade badan yahay ama kuwa la heeb sooco iyo ka qaybqadashada barakacayasha dhamaan howlahaan socda .

8) In Madaxweynaha iyo xubnaha maamulka K,Galbeed ay la socdaan wakiilo u magacabaan shacabka  ka soo jeeda K.Galbeed ee ku nool maamul goboleedyada kale kuwaa soo run ahaanii kala kulma meelaha qaar takoor, xadgudub, dil iyo meel ka dhac iyagoo ay shacabkaas gobolada ay degan yihiin ama u barakaceen ay ka yihiin xubno firfircoon kuna kordhiyay bulashoyinkaas xirfadihii iyo waaya aragnimadii ay u lahaayeen ganacsiga, farsamadda gacanta sida dhismaha iyo gaadiidka, Beero qodosho, kalluumaysi iyo aqoonta horumarinta waxbarashada maadiga ah iyo midda diintaba, hadana ma helaan xuquuqdoodii iyo xoriyaadkii ay u lahaayeen ka qaybqadashada howlaha socda iyo matalaad syaasadeed iyagoo meelaha qaar ay ka tiro iyo tayo badan yihiin dadkay ugu tageen degamadaas.

9)- In dowladda ay sare qaaddo xoojisana  wdajirka, isdhexgalka bulshada, tanaazulka, dib uheshinta iyo maamul  wanagga bulshada dhexdeeda, isla markaanaay kaalin hormoodnimo iyo hogaamin ka qaadato isku soo dhowaynta iyo wada shaqaynta maamu goboleedyada iyo Dwladda Federalka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa wada shaqaynta iyo xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Dowladda federalka iyo maamul goboleedyadaba, iyadoo ilaalinaysa danta guud, wadajirka iyo maslaxadda Umadda Somaliyeed.

JILAYASHA AAN DOWLIGA AHAYN K.GALBEED SOMALIA (SOSWENSA)

By | 2020-03-01T12:55:34+00:00 March 1st, 2020|Activites|0 Comments

About the Author:

Leave A Comment